Hal-abuurkaiyoamin

ABOUT US

HELLO, WELCOME TO HAL-ABUURKAIYOAMIN

Ku soo dhawow Hal-abuurka Iyo Amin

Hal-abuurka Iyo Amin waa madal ay ku kulmaan hal-abuurka, horumarka, iyo isbeddelka wax ku oolka ah. Boggan waxaa loo aasaasay in lagu dhiirrigeliyo shakhsiyaadka iyo ganacsiyada, iyada oo loo marayo hal-abuur, kobcin shakhsiyeed, iyo istiraatijiyado waafaqsan Diinta Islaamka.

Amin ahaan, waxaan rumeysanahay in maskaxda bani’aadamka ay tahay hibo qaali ah oo Alle inagu mannaystay, taas oo xudun u ah guusha iyo horumarka. Qof kasta oo maskaxdiisa ku haga xikmad iyo hal-abuur, una adeegsada agabyada saxda ah ee Alle u fududeeyay, wuxuu gaari karaa heerka ugu sarreeya ee kartidiisa ama awoodiisa dhabta ah, isagoo rumeysan in guusha dhabta ah ay ku xiran tahay idanka Alle.

“Hibooyinka Alle ayaa ah kuwa na kobciya, laakiin waxaa la innaga rabaa dadaal, hal-abuur, iyo tawakal si aan u gaarno guusha aan u abuuranahay. Guusha adduunka iyo aakhiro waxay ku saleysan tahay raali ahaanshiyaha Alle.”

Muxuu Website-kan kuu siinayaa?
• Xalka Hal-abuurka: Habab hal-abuur leh oo lagu xalliyo caqabadaha, lagu dhiso sumcad, oo lagu gaaro horumar waara.
• Fahamka iyo cilmi-nafsiga ku saleysan qiyamka Islaamka: Kheyraadyo iyo xeelado kaa caawinaya inaad maskaxdaada kobciso, caqabadaha xalliso, naftaada horumariso, oo aad xiriir adag la yeelato Alle (maskax xoog leh iyo iimaan adag waa furaha guusha).
• Tilmaamaha Hoggaanka: Talooyin iyo tusaalayaal kaa caawinaya inaad noqoto hoggaamiye awood leh oo horseeda isbeddel wax ku ool ah.
• Wadaagista Aqoonta: Blogyo, koorsooyin, iyo aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan kobcinta aqoontaada iyo horumarinta naftaada.

Himiladayada

Himiladayadu waa inaan abuurno madal dhiirrigelisa hal-abuurka iyo horumarka, halkaas oo fikradaha cusub ay horseedaan isbeddel dhab ah oo waara. Wuxuu ujeedkeennu yahay inaan ka caawino shakhsiyaadka iyo ganacsiyada:
• Inay Naftooda kobciyaan,
• Kalsooni yeeshaan,
• Himilooyinkooda ficil u rogaan, iyagoo ku saleysan qiyamka Islaamka.

Hal-abuurka Iyo Amin waa meesha ay maskaxda furan, hal-abuurka cusub, iyo ficilka wax-ku-oolka ahi ku kulmaan si loo gaaro guul nololeed iyo mid ruuxi ah.

Haddii aad tahay…

Ganacsade raadinaya xeelado cusub oo hal-abuur leh si uu u kobciyo ganacsigiisa. Hoggaamiye doonaya inuu kartida kooxdiisa sare u qaado oo uu abuuro isbeddel muuqda. Shakhsiyad diyaar u ah inuu naftiisa horumariyo, maskaxdiisana kobciyo si uu u gaaro guul nololeed iyo mid ruuxi ah.

Hal-abuurkaIyoAmin.com waa meesha aad ka heli lahayd fikrado hal-abuur leh, hagitaan wax ku ool ah, iyo dhiirrigelin ku saleysan qiyamka Islaamka si aad u gaarto guusha aad u doonayso.

Aan wada hal-abuurno oo horumarno – waa hal ku dhigeena!

GET IN TOUCH